Dhulgariir ku Dhuftay Jasiirado ku Yaalla Badweynta Baasifigga.

15
0

Dhulgariir xooggan ayaa ku dhiftay magaalada Port Vila ee xarunta Jaziirada Vanuatu ee ku taalla badweynta Baasifiga, dhul gariirkan oo cabirkiisa lagu qiyaasay 7.3 magnitude, ayaa sababay burburka buundooyin iyo dhismayaal uu kamid ahaa xafiisyadii safaaradaha Maraykanka iyo Faransiiska ee ku yaalay Jasiirada.

Wakaaladda Wararka ee France Press oo soo xiganaysa nin ka mid ah dadka deegaanka oo lagu magacaabo Michael Thompson ayaa sheegay, in dabaqa hoose ee dhismaha ay ku yaalaan safaaradaha Maraykanka iyo Faransiisku uu burburay, kuwaas oo gaystay khasaare kala duwan. Dhulgariirkan ayaa sidoo kale sababay dhul go’a baahsan iyadoo dhanka kale ay go’day isgaarsiinta qeybo badan oo kamid ah jasiiradahaasi.

Musiibooyinka Rabaaniga ah ayaa sanadadii dambe kusoo badanayay dhulalka gaalada, taas oo ay ugu wacan tahay dunuubta ay ka galayaan Allaah (swt), dhawaan ayay ahayd markii sidan oo kale uu duufaan qarqiyay dalka Maraykanka kaas oo ay ku dhinteen kumanaan qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here