Dhulgariir Xooggan oo ku Dhuftay Dalka Itoobiya.

3
0

Labo Dhulgariir oo xooggan ayaa ku dhiftay deegaano ka tirsan dalka Itoobiya, kuwaas oo gaystay khasaare kala duwan,  dhulgariirkii ugu horeeyay oo cabirkiisa lagu sheegay 4.9 ayaa ku dhuftay meel 23 km dhanka waqooyi ka xigta magaalada Awash, waxaana dhul gariirkan uu ka dhacay meel 10 km ka hooseysa oogada dhulka.

Qiyaastii 10 daqiiqo kaddib, dhulgariir kale oo lagu qiyaasay 4.6 ayaa mar kale ku dhuftay meel u dhow magaalada Mtahara, kaas oo la sheegay inuu ka dhacay meel 10 Km ka hoosaysa oogada dhulka. Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca khasaaraha nafeed iyo midka hantiyeed.

Sida ay sheegtay hay’adda cilmi-baarista dhulka ee Maraykanka, dhulgariirkii ugu horreeyay oo cabbirkiisu ahaa 4.9 (Richter Scale) ayaa ka dhacay meel 23 kiiloomitir waqooyi ka xigta magaalada Awash, kaas oo ahaa mid qoto dheer oo 10 kilomitir ka hooseeya oogada dhulka.

Dhulgariirada oo kusoo badanaya dalka Itoobiya ayaa laga cabsanayaa inay saamayn ku keenaan biyo xireenka Anahdah ee ku yaalla dalkaas, kaas oo ay ka dhalan karto musiibo gobalka ku habsata haduu dumo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here