Dalka Indunuusiya ee dhaca Koofur-bari qaaradda Aasiya ayaa lagasoo diwaan galiyay dhulgariir cabirkiisu yahay 6.0, kaas oo ku dhuftay jasiiradda Sulawesi ee dalkaas, mana jiraan wax war ah oo kasoo baxay dhanka dawladda oo lagu xaqiijinayo khasaaraha maaliyadeed iyo midka nafeed ee ka dhashay dhulgariirkaas.
Xarunta Sesmolojikal Senta ee laga leeyahay dalalka Qaaradda Yurub ayaa war ay soo saartay ku sheegtay, in qiyaasta dhulgariirka ku dhuftay dalka Indunuusiya shalay sabtidii uu gaaray 5.9 magnitudh, kaas oo oogada dhulka ka hooseeyay illaa 109 kiiloomitir.
Waxaa xusid mudan in toddobaadkii hore, uu dalkaasi marti galiyay dhulgariir cabbirkiisu ahaa qiyaasta 6.2, kaas oo ku dhuftay xeebaha dalkaas, sida ay sheegtay hay’adda sahaminta dhulka ee Maraykanka.