Dhulgariir Xoogggan oo ku Dhuftay Waqooyiga Dalka Shiinaha.

10
0

Wararka ka imaanaya Shiinaha ayaa ku waramaya, in waabirigii hore ee saaka qaybo kamid ah dalkaasi uu ku dhuftay dhul gariir xooggan, kaas oo cabirkiisa lagu qiyaasay 4.2 darajo.

Dhul-gariirkan ayaa si gaar ah ku dhuftay deegaanka Yongqing oo hoostaga Magaalada Langfang ee Waqooyiga Gobolka Hebei ee Dalka Shiinaha. Xarunta shabakadaha dhulgariirka ee Shiinaha ayaa sheegtay, in dhul gariirku uu ka dhacay meel qoto dheer oo oogada dhulka ka hoosayso 20 kilomitir.

Telefeshinka dhexe ee Shiinaha ayaa sheegay, in dadka ku nool caasimadda Beijing ay dareemeen xoogga dhuulgariirkaas, waxaana qaar badan oo ka mid ah shacabka caasimadda ay heleen fariimo digniin ah, kuwaas oo loogu soo diray telefoonnada gacanta, loogana digayo dhulgariirka.

Aaladaha la socodka dhulgariirrada ee Shiinaha ayaa sidoo kale diiwaangeliyay shan dhul-gariir oo yar-yar, kuwaas oo iyagana ka dhacay isla deegaannada uu saaka ku dhuftay dhulgariirka weyn.

Maamulka Shiinaha ma uusan sheegin wax khasaare nafeed ah ama waxyeello hanti ah oo ka dhashay dhulgariirkan. Shiinaha ayaana kamid ah waddamada dhaca qaaradda Aasiya ee ay ku badan yihiin dhulgariirrada, kuwaas oo geysta khasaare nafaeed iyo mid hantiyadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here