Dibad-baxayaal ka Dhacay dalka Holland oo Codsaday in la soo xiro Netanyahu iyo Wasiirkiisii Hore ee Difaaca Yoav Galant.

22
0

Boqolaal qof ayaa shalay oo Sabti ahayd isugu soo baxay magaalada Amsterdam ee caasimadda dalka Holland, kuwaas oo dalbanayay in si degdeg ah xabsiga loogu taxaabo Ra’iisul Wasaaraha Yahuudda Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkiisii ​​hore ee Difaaca Yoav Galant.

Dibad-baxayaasha oo isugu soo baxay fagaara ku yaalla dalkaas, ayaa waxay muujinayeen sida ay uga careysan yihiin xasuuqa joogtada ah ee ay Sahaayinadu ka wado Qaza, waxayna muujinayeen sida ay uga xun yihiin dalalka reer galbeedka oo ay ugu horeeyaan Holland, Mareykanka, Ingiriiska iyo Jarmalka oo taageero lagarab taagan gumaystaha Yahuudda ee isir sifaynta ka wado Qaza.

Dibad-baxayaashaan oo socod ku tagay illa  xarunta tareenada ee bartamaha magaalada, ayaa waxay ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid yihiin “Falastiin waa xor”  “Lubnaan waa xor”   iyo “hala Joojiyo  xasuuqa”.

Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada Yurub ninka lagu magacaabo Murat Gok, oo khudbad ka jeediyay bannaanbaxa, ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo bixiyo amar lagu soo xirayo laguna maxkamadaynayo danbiyada ay gaysteen Netanyahu iyo waziirkiisii hore ee Gallant.

Iyada oo taageero ka halaysa Maraykan  ayey Sahayinadu xasuuq ka waday marinka Gaza tan iyo 7-dii October, 2023, waxaana ka dhashay dhimashada iyo dhaawaca kumaan shacab ah , oo u badan carruur iyo haween, iyada oo ay jirto burbur iyo macaluul aad udaran oo jirta Marinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here