Saacadihii lasoo dhaafay, burcad hubeysan oo Koonfur Afrikaan ayaa waxa ay gudaha dalkaasi ku dileen, mid kamid ah ganacsatada Soomaalida.
Dilka ninka ganacsadaha ah oo lagu magacaabo Cabdi Xasan Cali ayaa waxa uu ka dhacay, degaan hoostaga magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.
Burcadda ayaa waxa ay Cabdi ku weerareen xaruntiisa ganacsi, iyagoo ugu dambeynna ku dhex dileen meharaddiisa.
Ciidamo katirsan boliska dalkaasi ayaa dilka kadib yimid goobta, kuwaas oo sameeyay baaritaanno, walow had iyo jeer lagu dhaliilo, ineysan waligood gacanta kusoo dhigin burcadda dilalka geysaneysa.
Bulshada Soomaalida oo ah dad ka dhaqdhaqaaq badan kuwa koonfur Afrikaanka, ayaa fursadaha dhaqaale ee ay heleen waxa ay keentay in lagu colaadiyo, isla markaana qaar kamida dadka ka soo jeeda dalkaasi ay u arkaan dad ka faa, iideysanaya dalkooda halka iyagu ay yihiin bulsho sbool ah oo ay shaqo la,aani dilootay.
Waxaa maalmihii lasoo dhaafay kordhay dilalka iyo dhaca loo geysanayo somaalida kunool Dalka koonfur Afrika. Dalkaan kuyaalla koonfurta hoose Qaaradda Afrika ayay 10 kii sanno ee ugu dambeeyay si aad ah u tagayeen Bulshada soomaalida ah, kuwaasi oo hlkaaasi kasmeystay ganacsiyo waaweyn.
Waxaa Maalmihii ugu danbeeyey kordhay dilalka iyo dhaca loo gaysanayo Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika. Dalkan ku yaala Koonfurta hoose ee Qaarada Afrika ayey 10-kii sano ee ugu danbeysay si aad ah u tagayeen Bulshada Soomaalida ah, kuwaasi oo halkaasi ka sameystay ganacsiyo waa weyn.