Diyaarad ay lee yihiin Ciidamada Cirka ee Dalka Maraykanka oo ku Dhacday Diyaarad Rakaab ah.

25
0

Diyaarad Helicopter ah oo ay lahaayeen ciidamada cirka ee Maraykanka ayaa shil ku gashay hawada sare, iyadoo ku dhacday diyaarad rakaab oo laga lee yahay Shirkadda duulimaadyada ee American Airlines oo kasoo kacday garoonka diyaaradaha ee Ronald Reagan Washington.

Dadaal baaxad leh oo baadi goob iyo samatabbixin ah ayaa socda kaddib markii diyaarad helicopter ah oo ay leeyihiin ciidamada Black Hawk ay ku dhacday hawada sare iyo diyaaradii American Airlines ee ku sugneyd garoonka Reagan National Airport ee Arlington, Virginia fiidnimadii Arbacada.

Sida laga soo xigtay Maamulka Duulimaadyada Federaalka ayaa sheegtay in Diyaaradda PSA Airlines ay shil ku gashay hawada, kaddib markii ay ku dhacday diyaarad Helicopter ah ku sii jeedday Garoonka Reagan.

Diyaarada PSA ayaa u shaqaynaysay shirkada Duullimaadyada ee  American Airlines, waxayna ka soo duushay magaalada Wichita ee gobalka Kansas. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay shilkaas, inkastoo ay diyarada ciidanka ay saarnaayeen 3 askari oo katirsan ciidamada cirka ee Maraykanka.

Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad ninkan lagu magacaabo Karoline Leavitt ayaa u sheegtay wakaalada Fox News in madaxweynaha Donald Trump uu ka hadli doono shilka iyo waxa sababay.

Shilkan ayaa imaaday kaddib markii shalay arbacadii sidan oo kale ay burburtay diyaarad Military oo ay lahaayeen ciidamada cirka ee dalkaas, burburka diyaaradaas ayaa ku soo dhacday gobalka Alaska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here