Diyaarad ay Leeyihiin Ciidamada Dalka Masar oo ku Burburtay Xeebaha Dalkaas.

12
0

Diyaarad dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Masar ayaa shalay ku burburtay xeebaha gobolka Dimyaadh ee waqooyiga magaalada caasimadda ah ee Qaahira, sida ay shaaciyeen ciidamada dalkaas.

Afhayeen u hadlay ciidamada dalka Masar ayaa war rasmi ah oo uu soo saaray ku sheegay, in diyaarad ay ciidamadoodu leeyihiin ku burburtay mid ka mid ah goobaha lagu tababaro ciidamada, xilli ay ku guda jirtay hawlo tababar, shilkaas oo sababay dhimashada dhammaan shaqaalihii diyaaradda, isagoo aan sheegin, nooca diyaaradda shilka gashay iyo tirada dadkii saarnaa.

Waxaa xusid mudan, in dhowr jeer sidaan oo kale ay burbureen diyaarado ay ku tababaranayeen ciidamada dalka Masar, kuwaas oo sababay khasaarooyin kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here