Diyaarad Helicopter ah oo ku burburtay Mareykanka.

20
0

Wararka ka imaanaya dalka Mareykanka ee dhaca qaaradda Ameerika ayaa kusoo waramaya, in diyaarad helicopter ah oo caafimaad ay ku burburtay dhul kayn ah oo u dhow garoonka diyaaradaha North Carolina, sida ay warbaahinta u sheegeen masuuliyiinta dalkaasi.

Hay’ad qaabilsan hawlaha caafimaadka ee dalkaas, ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, in saddexda shaqaale ah ay saarnaayeen diyaaradda, kuwaas oo u socday qiimeyn caafimaad, isla markaana aysan jirin wax bukaan ah oo saarnaa diyaaradda markii uu shilku dhacay, iyadoo Saddaxda shaqaalaha ay dhaawacmeen loolana cararay  isbitaallada dalkaas, si loola tacaalo xaaladooda caafimaad.

Sida laga soo xigtay Maamulka Duulimaadyada Federaalka ee Mareykanka, Diyaaradda Helicopter-ka ayaa nooceedu ahaa Eurocopter EC-135, waxa ayna ku burburtay meel u dhow Garoonka Caalamiga ah ee Wilmington abbaaraha 7:50 galabnimo ee waqtiga Mareykanka. Waxay ka soo duushay Novant Health Xarunta Caafimaadka Gobolka New Hanover ee Wilmington waxayna ku sii jeedday garoonka degmada Onslow.

Maamulka dalkaas ayaa xaqiijiyay, in maamulka duulista ee dowladda dhexe iyo guddiga badqabka gaadiidka qaranka ay baaritaan ku sameyn doonaan shilkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here