Diyaarad ku burburtay garoon diyaaradeed ku yaala Kuuriyada Koonfureed, Waxaana Ku Dhintay Dad badan oo Tiradoodu Kor Udhaafeysa …….

8
0

Maamulka Kuuriyada Koonfureed ayaa ku dhawaaqay in tirada dadka ku dhintay dab ka kacay diyaarad rakaab ah xilli ay ku soo degeysay garoonka caalamiga ah ee Muan ee koonfurta dalkaasi ay gaartay 85 qof.

Diyaaradan oo ay saarnaayeen 181 qof oo ay ku jiraan 6 ka mid ah shaqaalaha diyaarada ayaa ka kacay holac ka dib markii ay ka leexatay dhabaha ay diyaarada ku ordaan markii ay degtay isla markaana ay isku dhaceen darbi, taasoo keentay in ay gubato, sida ay sheegeen booliska iyo dabdamiska.

Waaxda gurmadka degdega ah ee dalka ayaa sheegtay in qalabka lagu dejiyo ay u badan tahay in cilad soo wajahday. Qiyaastii ugu horreysay waxay ahayd in 23 la dilay, ka hor inta aysan tiradu si degdeg ah u kicin ilaa 62 dhimasho ah, markii dambena ay gaartay 85 dhimasho.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Yonhap, diyaaradan oo nooceedu ahaa Boeing 737-800 ayaa ka soo laabatay dalka Thailand, waxaana shilkan uu dhacay xili ay caga dhigatay.

Waxaa xusid mudan in diyaarad rakaab ah oo laga leeyahay dalka Asarbayjaan ay sidoo kale Arbacadii lasoo dhaafay ku burburtay meel u dhow magaalada Aktau ee galbeedka dalka Kazakhstan, diyaaradda ayaa kasoo duushay magaalada Baku kuna sii jeeday magaalada Grozny ee dalka Ruushka, waxaana saarnaa 67 qof oo ay ku jiraan 5 shaqaale ah, waxaana ku dhintay 35 qof oo rakaab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here