Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxay weerar culus ku qaadeen eleboorka degmada Waajid waxaana xilliga weerarka uu socday Eleboorka ka dageysay diyaarad u socotay ciidamada dowlada Federaalka Soomaaliya.
Sida warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan diyaarada oo waxyeela ay gaartay kadib markii rasaas ay haleeshay ayaa si degdeg ah kaga duushay Eleboorka degmada Waajid, iyadoo qorshaha yahay in ay ka degta eleboorka Muqdisho balse waxyeelada gaartay awgeed waxaa si degdeg ah looga dajiyay eleboorka magaalada Baydhabo.
Ciidamada xarakada Alshabaab ee ka howlgalla gobolka Bakool ayaa weerar lagu naafeyay shisheeyaha Xabashida iyo maleeshiyaadka la socda ee Soomaalida ah kawada gobolkaas.