Wararka inaga soo gaaraya dalka Mareykanka ayaa kusoo waramaya, in diyaarad yar oo siday rakaab ay ku dhacday meel baabuurta la dhigto oo ku taalla koonfurta magaalada Pennsylvania ee dalkaas, sida ay masuuliyiinta gobalka u sheegeen warbaahinta.
Maamulka Duulimaadyada Federaalka ee Mareykanka ayaa xaqiijiyay, in diyaarad yar oo nooceedu ahaa “Beechcraft Bonanza” kana mida kuwa ku shaqeeyo hal matoor ay si xun u burburtay, halka dhamaan rakaabkii saarnaa ay ku dhaawacmeen, kuwaas cadadkooda lagu sheegay shan qof.
Nin u hadlay booliska magaalada ayaa warfidiyeennada u sheegay, in dhammaan shantii qof ee dhaawacantay loo qaaday xarumaha caafimaadka ee magaalada, balse aan illaa hadda xaaladooda la garanayn. Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay, in aysan jirin cid kale oo ku dhaawacantay goobta.
Maamulka duulista hawada ee dowladda Federaalka ee Mareykanka ayaa sheegay, in ay baaritaan ku sameyn doonaan shilkan, wuxuuna kusoo beegmaya xilli shilalka diyaaradaha ay aad ugu soo bateen dalka Mareykanka, taas oo filanwaa iyo fajiciso ku noqotay dowladaas ku caanbaxday la dagaalanka Islaamka iyo Ehelkiisa.