Diyaaradaha Cadawga Sahaayinada oo Beegsaday Dad Barakacaay ah oo ku Sugnaa Deir al-Balah.

10
0

Labo qof ayaa ku shahiiday, halka qaar kalana ay ku dhaawacmeen, kaddib markii diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo ay leedahay Yahuudda ay duqeyn la beegsatay teendho ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ku taalla magaalada Deir al-Balah, halka ciidamada gumaysataha ay madaafiic ku garaaceen Waqooyiga xerada Nuseyrat ee bartamaha Marinka Gaza.

Fiidnimadii Talaadada, weriyaha Aljazeera ayaa soo sheegay, in haweenay Falastiini ah ay ku dhimatay, halka qaar kale oo ay carruur ku jiraanna ay ku dhaawacmeen duqeyn ay Sahaayinada la beegsatay teendho ay degan yihiin dad barakacayaal ah oo ku taalla deegaanka Al Mawasi oo ka tirsan Khan Yunis oo dhacda Koonfurta Marinka Gaza.

Magaalada Gaza, xaafado dhowr ah oo la degan yahay ayaa la kulmay duqeymo dhanka cirka ah ka hor waaberigii maanta iyo xalay. Warbaahinta ayaa soo tabinayso, in dad rayid ah ay ku dhaawacmeen weerar ay Yahuudda ku qaaday guri ku yaalla wadada Al-Sahaba oo marta xaafada Al-Daraj ee bartamaha magaalada Gaza.

Geesta kale, Difaaca Madaniga ah ayaa sheegay, in shaqaalahooda ay heleen 3 qof oo ku dhaawacmay weerarkaas ka dhacay magaalada Gaz. Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Yahuudda ayaa sidoo kale beegsaday guryo ku yaala xaafadda Al-Zeitoun ee Koonfurta magaalada Gaza.

Tan iyo 7-dii Oktoobar, Yahuudda oo garab ka helayso dawladaha reer Galbeedka ayaa waxay duullaan aan horey loo arag ku qaaday marinka Gaza, kaas oo illaa iyo hadda ay ku shahiideen kuna dhaawacmeen Kumanaan ruux oo caruur iyo haween ubadan, halka dawladaha carabta ee ku hareeraysanna ay isha ka daawanayaan waxa ka socda Marin Gaza.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here