Ilo xog ogaal ah oo ka tirsan ciidamada Suudan ayaa Aljazeera u sheegay, in diyaaradaha dagaalka ee ciidanku ay saaka oo Arbaca ah duqeymo xaga cirka ah ku qaadeen magaalada Al-Fasher ee xarunta gobolka Waqooyiga Darfur.
Warku waxa uu intaa ku darayaan in duqayntaasi lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen waxa uu ugu yeeray Maleeshiyaad Taakuleeya xooggaga RSF, isagoo xusay in magaalada ay degan tahay tan iyo shalay, marka laga reebo duqaymahaasi dhinaca cirka ah.
Wararku waxay intaas ku darayaan, in ciidamadu ay u gudbeen dhanka waqooyi oo ay la wareegeen deegaano iyo tuulooyin dhowr ah, waxayna hadda gacanta ku hayaan guud ahaan gobolka Jaziira, marka laga reebo goobo cayiman oo ay wali ku dhumaalaysanayaan ciidamada dacmu sariic, sida Abuu Qutah iyo Al-Baqiir.
Tan iyo 31-kii Janaayo, ciidamada Suudaan ayaa dib u bilaabay hawlgalkooda millatari ee gobolka Al-jazeera ee dhaca bartamaha dalka, halkaas oo ay u suurtagashay in ay gacanta ku dhigaan magaalooyinka Rafaa, Tamboul, ee bariga Al-jazeera, marka laga reebo Hasahisa, oo waqooyiga ka xigta gobolka.