Diyaaradaha Dagaalka ee Yahuudda oo Duqeeyay Saldhigyo ay Ciidamada Suuriya ku Leeyihiin Gobalka Darca.

25
0
Weerarro hore ee ay Yahuuddu ku qaaday Suuriya

Diyaaradaha Yahuudda ayaa duqeeyay fiidnimadii Isniinta, bakhaarro lagu kaydiyo hubka, taangiyada iyo qalabka milatariga oo ay lahaayeen ciidamada Suuriya ee ku sugan gobolka koonfureed ee Darca.

Shabakada warbaahineed ee Al-Aljazeera ayaa sheegtay, in diyaaradaha Yahuudda ay duqeymo ka fuliyeen xero ciidan oo ku taalla baadiyaha Darca, halka ay weerarro kale la beegsadeen bakhaarro lagu kaydiyo hubka oo ku yaalla meel u dhaw magaalada Izra ee baadiyaha isla gobolkaas.

Dhanka kale, Channel 14 ee Yahuudda ayaa sheegay, in diyaaradaha Sahaayinada ay duqeeyeen taangiyo ay lahaayeen ciidamada Suuriya ee Waqooyiga Darca.

Ciidamada Suuriya ayaanan war rasmi ah ka soo saarin duqeymaha Yahuudda iyo waxyeellada ka dhalatay duqeymahaas.

Tan iyo markii uu dhacay xukunka Bashaar Al-Asad, Yahuudda ayaa boqolaal duullaan ku qaaday goobo ciidan oo ku yaalla dhowr deegaan oo ka tirsan dalka Suuriya.

Ciidamada Yahuudda ayaa sidoo kale weerarro dhowr ah ku qaaday gobolada Quneitra iyo Darca ee koonfurta Siiriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here