Wakaaladda wararka ee Suuriya ayaa sheegtay, in subaxnimadii hore ee Sabtida ay diyaaradaha Yahuuddu duqeeyeen goobo ku yaalla duleedka magaalada Xalab iyo Idlib ee waqooyi-galbeed dalka  Suuriya, halkaas oo ay ku dhaawacmeen tiro askar ah.
Duqaynta ay fuliyeen diyaradaha Sahaayinada ayaa la sheegay, in ay beegsatay xarunta cilmi-baarista sayniska ee deegaanka Al-Safira, taas oo ku taala duleedka magaalada Xalab ee waqooyiga Suuriya.
Duqayntan oo dhacday saaka waabarigii ayaa la sheegay, in sidoo kale lala beegsaday warshado difaac iyo goobo ay ku sugnaayeen kooxaha hubeysan ee ka hawlgala gobolka idlib.
Talaadadii lasoo dhaafay, diyaaradaha dagaalka Yahuudda, ayaa duqeymo ka fuliyay magaalada Qusayra oo ka tirsan gobolka Homs ee xuduudka Lubnaan, waxaana ciidamada Yahuuddu sheegteen in ay beegsadeen bakhaarradii hubka ee ururka shiicada Xisbullaah.