Diyaaradaha Maraykanka oo Duqeeyay Goobo Istiraatiji ah oo ay ku Sugnaayeen Xoogagga Xuutiyiinta ee Dalka Yemen.

14
0

Diyaaradaha Maraykanka ayaa duqaymo xooggan ka gaystay koonfurta gobalka Al-Xudaydah ee dalka Yemen, Duqaymahan oo ay fuliyeen diyaaraha Maraykanka ayaa gaarayay illaa 6 weerar oo lagu bartilmaameedsaday deegaanka Al-Faza oo ka tirsan degmada At-Tuhayta ee koonfurta gobalka Xudeyda.

Deegaanka Al-Faza ayaa ah dhul xeebeed istaraatiijiga ah oo ku teedsan badda Cas. waxayna ahayd aag ciidan kahor afgambigii Xuutiyiinta ee ka dhanka ahaa dowladdii hore ee Yemen, Kooxda Xuutiyiinta ayaana haatan  Al-Faza u isticmaasha bakhaaro hubka lagu kaydiyo iyo goobo ciidan oo ay ka soo ridaan gantaalada ay ku weeraraan marakiibta ku sugan Badda Cas.

Dawladda Maraykanka ayaa maalmahan dambe xoojisay duqaymaha ay ka fulinayso dalka Yemen, taas oo galaafatay nolosha tobanaan qof oo shacab ahaa, kuwaas oo ay si bareera ah u deqeeyaan diyaaraha Maraykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here