Diyaaradaha Mareykanka iyo Britain oo Duqeymo ka Fuliyay Dalka Yemen.

13
0

Warbaahin xiriir la leh kooxda Xuthiyiinta ee Yemen ayaa sheegtay, in duqeymo cusub ay  diyaaradaha Mareykanka iyo Britain ka geysteen gobolka Xudeydah ee ku dhirirsan Badda Cas oo dhacda galbeedka Yemen.

TV-ga Al-Masirah ee taabacsan Xuuthiyiinta ayaa sheegay, in weerar gardarro ah oo ay ka danbeeyeen Mareykanka iyo Britain lala beegsaday dagmada Al-Tuhayta ee gobolka Al-Xudeyda. Telefishanku ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan natiijada duqeynta, iyadoo aysan jirin wax hadal ah oo ka soo baxay Washington iyo London oo arrintan la xiriira.

Duqeyntan ayaa timid kaddib markii ay joogsadeen duqeymaha Mareykanka iyo Britain ay ka wadaan Yemen tan iyo 28-kii bishii November. Xudeyda waa mid ka mid ah maamul goboleedyada ugu muhiimsan ee dalka Yemen, maadaama ay leedahay garoon diyaaradeed oo caalami ah, 3 dekadood iyo xeryo muhiim ah, marka laga soo tago in ay leedahay xeeb dheer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here