Diyaaradaha Ruushka iyo kuwa Nusayriyada oo Duqeymo ka Fuliyay Waqooyi Galbeed ee dalka Suuriya.

10
0

Dad rayid ah ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday duqeymo ay Ruushka iyo kuwa nidaamka Nusayriyada ka bilaabeen deegaanno ka tirsan Waqooyi Galbeed ee dalka Suuriya, sida ay sheegeen ciidamada difaaca madaniga ah ee loo yaqaano Koofiya Cadka ee ku sugan deegaanada ay mucaaradku maamulaan.

Koofiya Cadka ayaa sheegay, in duqeymaha Ruushku ay la beegsadeen xarumo caafimaad oo ku yaalla magaalada Idlib, oo ay ku jiraan Isbitaalka Jaamacadda Idlib, Isbitaalka Ibn Sina, Isbitaalka Qaranka, Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka, iyo Agaasinka Caafimaadka.

Waxaa la sheegay in Labo qof oo bukaan ah lagu dilay gudaha Isbitaalka Jaamacadda, kadib markii la weeraray, Subaxnimadii shalay oo Isniin ahayd, ayaa waxaa la xaqiijiyay, in la dilay ku dhawaad ​​25 qof guud ahaan, taasoo ka dhalatay duqeymo xagga cirka ah oo ka dhacay waqooyi-galbeed ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here