Diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ayaa duqaymo culus kagaystay magaalada Kyiv ee caasimada dalka Ukraine, ayagoo beegsaday xarumaha dawladda iyo kaabayaasha dadwaynaha.
Ilo goob joogayaal ah ayaa soo sheegay in qaraxyo waawayn laga maqlay hawada sare ee magaalada Kiev, subaxnimadii Khamiista, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxyadaas.
Difaaca cirka ee Ukraine ayaa wajahayaan weerar uga imaanaya dhanka Ruushka oo ay fulinayaa diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka, waxaana weerarada noocaan oo kale ah ay soo noqnoqdeen maalmihii la soo dhaafay oo lagu bartilmaameedsanayay caasimadda iyo nawaaxigeeda.
Ciidamada Cirka ee dalka Ukraine ayaa shalay oo Arbaco ahayd sheegay, in Ruushku uu 167 weerar oo ay fuliyeen diradaha aan duuliyaha lahayn uu ku qaaday, gobollo badan oo dalkaas ka tirsan, waxaana ciidamada difaaca cirka ay ku guulaysteen inay tiro ka mid ah soo ridaan.
Ruushka ayaa xoojiyay weerarada uu ku hayo Ukraine, ayadoo dhawaan la filayo in xal laga gaaro dagaalka u dhexeeya Labada dal, kaddib markii lasoo gabagabeeyay shir ay Putin iyo Trump ku yeesheen dalka Sucuudiga.