Duqeymo ay fuliyeen ciidamada Yahuudda ayaa lagu dilay ugu yaraan 40 falastiiniyiin ah, kuwaas oo ka kala dhacay guud ahaan marinka Qaza. Ciidamada Sahaayinada ayaa xoojiyay cadaadiska ay ku hayaan magaalada Jabaliya ee waqooyiga marinka Qaza, kuwaas oo iska cabin xoogan kala kulmaya muqaawamada Falastiiniyiinta.
Saraakiisha caafimaadka ee Falastiiniyiinta ayaa sheegay in ugu yaraan 11 qof ay ku shahiideen dab ka kacay meel u dhow Al-Falouja ee Jabaliya, oo ah tan ugu weyn siddeedda xero ee barakacayaashu dagan yihiin, halka 10 kalena lagu dilay Bani Suhaila oo ku taala bariga Khan Younis ee koonfurta Qaza, kadib markii ay Yahuuddu duqayn ku garaaceen guri kuyaala halkaas.
Weerar cirka ah oo ay Yahuuddu ku burburiyeen 3 guri oo ku yaalla xaafadda Sabra ee magaalada Qaza, waaxay kooxaha gurmadka degdegga ah sheegeen inay goobta ka soo saareen laba qof oo meyd ah, iyadoo la baadigoobayo 12 qof oo kale, kuwaas oo la rumeysan yahay inay ku jireen burburka guryahaas. 5 qof ayaa ku shahiiday weerar ka dhacay xerada Nuseirat ee bartamaha Qaza.