Weriyaha Aljazeera ayaa sheegay, in duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha Yahuudda saaka oo Isniin ah lala beegsaday goobo millatari oo ku yaalla magaalada Tartous iyo Latakia ee galbeedka Suuriya.
Sida ay sheegtay Shabakadda Sham, diyaaradaha dagaalka ee Yahuudda ayaa qaaday duqeymo cusub oo dhanka cirka ah oo ay la beegsadeen saldhigyada lagu kaydiyo gantaallada oo ku yaalla  deegaanka Zama gaar ahaan Barrack 107, waxaa sidoo kale la duqeeyay  bakhaarradii hubka ee baadiyaha magaalooyinka Latakia iyo Tartuska.
Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayaa lagu arkayay qaraxyo waawayn oo ka dhashay weerarro xiriir ah oo sacadihii lasoo dhaafay ay diyaaradaha Yahuuddu ku beegsanayeen dhowr goobood oo millatari iyo xarumo muhiim ah oo ku yaalla xeebaha Suuriya.
Yahuudda ayaa duqaymo culus ka wada dalka Suuriya tan iyo markii uu dhacay nidaamkii Bishaar Al-Asad, ayadoo beegsanaysa kaydadka hubka, waxayna Yahuuddu sheegtay in aysan doonayn inuu hubkaasi u gacan galo kooxaha mucaaradka ah ee talada dalkaas la wareegay.