Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ayaa duqayn xaga cirka ah ka fuliyay gudaha dalka Ciraaq, kaas oo uu ku bartilmaameedsaday xubno katirsan ururka PKK ee mucaaradka ku ah maamulka Ankara.
Saddex xubnood oo ka tirsan xisbiga shaqaalaha Kurdistan PKK ayaa lagu dilay duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga shalay Khamiistii, sida ay sheegtay waaxda la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada ee gobolka Kurdistan.
Wakaalladda wararka ee dalkaas ayaa sheegtay, in xubno ka tirsan xisbigaas oo laga mamnuucay dalka Turkiga ay diyaarad beegsatay ayagoo ku socdaalayay baabuur ay wateen oo marayay magaalada Mawt oo u dhow magaalada Sulaymaaniya ee waqooyiga Ciraaq.
Wakaaladu waxay intaas ku dartay in labo xubnood oo kale oo xisbiga ka tirsan la la’yahay kaddib markii ay duqayntu dhacday, iyadoo sidoo kale diyaaradahan ay duqeeyeen goob hubka lagu kaydiyo oo ay koxdani lahayd oo ku taalla waqooyiga Ciraaq.
Turkiga ayaa si joogto ah duqeymo dhanka cirka ah uga fuliya waqooyiga Ciraaq, isagoo gudaha dalkaas ka samaystay tobanaan saldhigyo ciidan ah oo uu ku xoojiyo duqaymaha iyo hawlgalada uu ka wado dalkaas.