Diyaaradaha Turkiga oo Xasuuq ka Geystay Dalka Mali + Sawirro.

67
0

Duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday magaalada Tinzouatine, oo u dhow xudduudda Aljeeriya ayaa la soo warinaaya in khasaaro xooggan uu ka dhashay.

Duqeynta ayaa sababtay dhimashada 21 qof oo ay ku jiraan 11 carruur ah iyo dhaawaca tobaneeyo kale.

Kooxda hubaysan ee Azawad ayaa ku tilmaamtay weerarkaan in uu yahay mid isir sifeyn ah.

Diyaaradaha dowlada Turkiga ayaa xasuuq bahalnimo ah kawada dalka Mali iyo Burkinafaso, ayagoo duqeymo ku burburiyay masaajid, Iskuulo iyo guryo ay dad shacab ah dagan yihiin.

Dhanka kale dowlada Mali oo adeegsanaysa diyaaradaha drons ta dowlada Turkiga ayaa sheegatay in ay xasuuqday kooxo argagixiso ah.

Hoos ka daawo sawirada xasuuqa ka dhacay magaalada Tinzouatine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here