Diyaaradaha Yahuudda ayaa Duqaymo la Bartilmaameedsaday Saldhigyo Milatari oo ku Yaalla Koonfurta Dimishiq.

20
0

Wararka nagasoo gaaraya dalka Suuriya ayaa sheegaya, in duqayn dhanka cirka ah ay Diyaaradaha Yahuuddu shalay sabtidii ay ka fuliyeeen magaalada Najha ee koonfurta caasimada Suuriya ee Dimishiq, halkaas oo ay ku burburiyeen goobo ciidan iyo guryo ay degan yihiin saraakiil ka tirsan maamulka cusub ee Suuriya.

Ciidamada Yahuudda ayaa dhankooda ku dhawaaqay fiidnimadii jimciha, inay beegsadeen saldhigyada ciidamada Suuriya ay ku leeyihiin magaalada Palmyra, waxay sidoo kale duqaymahani bartilmaamedsadeen saldhigga ciidamada cirka ee T-4 ee dhaca bartamaha Suuriya.

Muddo bilo ah, Yahuudda ayaa duqeymo cirka ah ka wada gudaha Suuriya, ayagoo halkaas ku dilay dad rayid ah, duqaymahan wuxuushnimada ah ayaa burburiyay goobaha danta guud, gaadiid iyo saanad milatari oo ay lahaayeen militariga Suuriya.

Yahuudda ayaa dalka Suuriya ka wada dhulbalaarsi ay ku qabsanayso goobo hor leh, waxayna qabsatay inta badan buuraha Golan Heights, iyagoo ka faa’iidaysanaya marxalada cusub ee ay gashay Suuriya, kaddib markii la riday nidaamkii Rajiimka ahaa ee Bashaar Al-Asad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here