Diyaaradaha Yahuudda oo Duqaymo ka Fuliyay Magaalada Taybeh ee koonfurta Lubnaan.

3
0

Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah oo ay leeyihiin ciidamada Yahuudda ayaa maanta duqayn la beegsatay gaari marayay magaalada Taybeh ee koonfurta Lubnaan, waxaan ku dhintay hal qof, sida ay sheegeen dad goob-joogayaal ah, iyadoo Yahuuddu ay dhankeeda shaagatay inay hawlgalkaas ku khaarajiyeen xubno oo ka tirsanaa Xisbullaah.

Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in hal qof uu ku dhintay duqeyn ay diyaaradaha dagaalka ee Yahuuddu ay ka gaysteen magaalada Taybeh.

Duulaan lagu qaaday magaalada Zebqin shalay Axadii, ayaa lasoo sheegayaa inay ku dhinteen laba qof, magaaladan ayaa dhacda degmada Tire ee koonfurta Lubnaan, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.

Dhanka kale, afhayeenka ciidamada Yahuudda, Avichay Adraee, ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in labo xubnood oo ka tirsan Xisbullaah la beegsaday, kuwaas oo qayb ka ahaa dib u dhiska xarun ay lahaayeen kooxda shiicada ah ee Xisbullaah.

Duqeymaha Yahuudda ee koonfurta Lubnaan ayaa wali halkooda kasii socda tan iyo markii ay heshiis xabbad-joojin ah kala saxeexdeen Yahuudda iyo maamulka Lubnaan, wixii xiligaas ka dambeeyay ciidamada Yahuudda  ayaa qaaday weeraro laayaan ah oo ay ku burburiyeen xarumo military oo ku yaalla  Lubnaan, iyaga oo ku andacoonaya in ay bartilmaameedsanayaan xarumaha Xisbullaah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here