Diyaaradaha Yahuudda oo Duqaymo ka Gaystay Koonfurta Lubnaan.

20
0

Ciidamada cirka ee Yahuudda ayaa weerar ku qaaday agagaarka magaalada Zebqin oo ka tirsan degmada Tire ee koonfurta Lubnaan, waxayna sidoo kale labo weerar ku qaadeen deegaan u dhexeeya magaalooyinka Deyr Siryaan iyo Yaxmar Al-Shaqiif oo kawada tirsan degmada Nabatieh.

Ciidamada Yahuudda ayaa sheegay in diyaaradahoodu ay weerarro ku qaadeen goobo ciidan oo ay leeyihiin Xisbullaah, waxayna ku andacoodeen in goobaha ay beegsadeen ay ku jiraan qalab dagaal oo halis ku ah amniga Yahuudda.

Yahuudda ayaa intaa ku dartay in dhaqdhaqaaqyada ka socda goobaha ay ku xooggan yihiin Xisbullaah ay ka dhigan tahay xadgudub bareer ah oo ka dhan ah isfahamka u dhexeeya Yahuudda iyo Lubnaan, iyagoo carabka ku adkeeyay inay sii wadi doonto ka shaqaynta sidii meesha looga saari lahaa khatar kasta oo ku wajahan Sahaayinada.

Dhinaca kale afhayeenka baarlamaanka Lubnaan Nabih Berri ayaa sheegay, in uu Maraykanka ku wargeliyay in ciidamada Yahuuddu ay 18-ka bishan February ka bixi doonaan tuulooyinka ay ka joogaan koonfurta Lubnaan, balse ay ku sii sugnaan doonaan 5 goobood oo ku yaalla gudaha Lubnaan.

Weeraradan ayaa imanaya ayadoo ay Yahuuddu jabisay heshiiskii xabad joojinta ahaa ee ay wada gaareen ayaga iyo Xisbullaah, dhanka kalana diiday inay ka insixaabaan goobihii lagu heshiiyay inay ka baxaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here