Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Yahuudda ayaa duqaymo ka fuliyay magaalooyin dhaca konfurta Lubnaan, iyagoo sheegtay inay dileen mas’uuliyiin ka tirsan ururka shiicada ah ee Xisbullaah.
Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhintay 5 kalena way dhaawacmeen kaddib markii diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Yahuudda ay beegsatay baabuur marayay magaalada Jarjouh ee koonfurta Lubnaan fiidnimadii Sabtida, taas oo qayb ka ah xadgudubyada soo noqnoqday ee Yahuuddu ay ku jabinayso heshiiska xabbad joojinta ah ee Xisbullaah.
Wakaaladda Wararka ee Lubnaan ayaa ku warantay in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo ay leeyihiin ciidamada Yahuuddu ay beegsatay baabuurka, taas oo keentay in dab uu ka kaco baabuurka la beegsaday.
Dhankooda, ciidamada Yahuudda ayaa sheegtay in ay duqayn cirka ah ka fuliyeen koonfurta Lubnaan oo ay ku bartilmaameedsadeen hogaamiye caan ah oo ka tirsan qaybta ciidamada cirka ee Xisbullaah.
Wakaaladdu waxay intaas ku dartay in duqayn kale ay ka dhacday xaafadda Aqaba ee duleedka magaalada Ainata, iyadoo xustay in gaadiidka gurmadka deg-degga ah ay goobta gaareen, si dadka dhaawaca ah u gaarsiiyaan goobaha caafimaadka.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ciidamada guumaysiga ay sii wadaan jebinta heshiiskii xabbad joojinta ee koonfurta Lubnaan, kuwaas oo gaystay duqaymo aan kala sooc lahayn oo ay ku beegsadeen dadka rayidka ah ee ku sugan koonfurta Lubnaan.