Warbaahin xiriirka la leh kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa shaacisay, in diyaaradaha dagaalka ee Mareykanku ay duullaan xiriir ah ku qaadeen magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla dalka Yemen fiidnimadii Khamiista.
Ilo wareedyo maxali ah ayaa sheegay, in 37 duqeyn oo dhanka cirka ah uu Mareykanku la beegsaday magaalooyinka Sanca, Sacda, Xudeydah, Al-Jawf, iyo magaalada Amran.
Sida aan Wararka ku heleyno deegaanka Al-casayid oo ka tirsan degmada Kitaf ayaa waxaa lala eegtay 5 duqeyn oo dhanka cirka ah, halka degmada Al-Salaam ee gobolka Sacdana lala beegsaday labo weerar, iyadoo ay sii dheertahay duqeyn dhanka cirka ah oo lala beegsaday deegaanka Al-Qiyaah ee ka tirsan degmada Al-Taxriir ee bartamaha Sanca.
Isla ilo wareedkan ayaa sidoo kale shaaciyay, in saddex weerar lala beegsaday degmada Al-luhayyah oo ka tirsan gobolka Al Xudeydah ee galbeedka Yemen, waxaana saddexda weerar lala beegsaday degmada Al-Xumaydah ee gobolka Al Jawf.
Dhanka kale, Shan weerar ayaa lala beegsaday shabakada isgaarsiinta ee Jabal al-Aswad ee gobolka Amran, taasoo khalkhal galisay isgaarsiintii gobalkaas oo dhan, halka 19 duqeymo ah oo ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka ay beegsadeen deegaano badan oo ka tirsan gobolka Amran ee waqooyiga Yemen.
Kooxda Xuutiyiinta ayaa dhankeeda ku dhawaaqaday, inay beegsadeen garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion, oo ah bartilmaameed millatari, iyo markab laga leeyahay Maraykanka, kaddib markii milateriga Yahuuddu ay ku dhawaaqeen inay qabteen laba gantaal oo laga soo tuuray Yemen.