Dmitry Medvedev: Waxaa Jira Dalal Diyaar u ah Inay Hub Nukliyeer ah Siiyaan Iran.

43
0

Dmitry Medvedev, oo ah ku-xigeenka Golaha Ammaanka Qaranka ee dalka Ruushka, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii Maraykanku ku qaaday xarumaha nukliyeerka Iran, isagoo ku tilmaamay mid guuldarro istaraatiiji ah oo Maraykanka gelin kara dagaal cusub oo laga yaabo inuu u gudbo faragelin dhulka ah, sida ay baahisay RT.

Medvedev oo qoraal ku daabacay bartiisa “Telegram” ka, ayaa ka dhawaajiyay in weerarku uusan waxba yeelin kaabayaasha nukliyeerka ee Iran, halka uu kor u qaaday suurtagalnimada in Tehran gaarto heer ay hub nukliyeer samaysato. Waxa uu sheegay in dalal qaar diyaar u yihiin inay si toos ah u siiyaan Iran hub nukliyeer.

Sidoo kale, wuxuu xusay in weerarkii Maraykanku uusan wiiqin nidaamka Iran, balse uu xoojiyay midnimadiisa, xitaa mucaaradkii gudaha ayaa isu bahaystay taageerada hogaanka talada Iran haaya. 

Dhinaca kale, gumeystaha Yahuuda ayaa wajahaya xaalas kacsanaan ah iyo cabsi gudaha ah oo isa soo taraysa kadib duqeymihii uu Mareykanka ku qaaday xarumaha nukliyeer ka Iran.

Medvedev ayaa sidoo kale dhaliil kulul u jeediyay madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, isagoo ku eedeeyay inuu dagaal cusub hurinayo inkasta oo uu xilka u qabtay isagoo sheeganaya inuu yahay “madaxweyne nabadeed”. 

Wuxuu Dmtiry Medvedev si jees-jees ah u yiri: “Abaalmarinta Nabadda ee Nobel ka waxay u muuqataa riyo aan suurtagal u ahayn Trump in uu helo.”

Ugu dambayn, Medvedev wuxuu sheegay in inta badan wadamada dunidu ay cambaareeyeen ficillada Maraykanka iyo gumeystaha Yahuuda, isagoo ku tilmaamay weerarkan bilaabidda jahawareer cusub oo gobolka ka dhaca.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here