Donal Trump oo Amar ku Bixiyay in Dadka Soo Galootiga ah Lagu Xiro Xabsiga Sucad Xumada ku Caanbaxay ee Guantanamo Bay.

28
0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay qoraal uu ku amrayo in loo diyaar garoobo ballaarinta xabsiga lagu hayo soo galootiga ee ku yaalla saldhigga ciidamada badda ee Guantanamo Bay, iyadoo wararku ay sheegayaan in uu damacsan yahay in 30 Kun oo soogalooti ah uu ku xiro saldhiggaas, xabsigaas ayaana inta badan loo isticmaalaa in lagu xiro dadka ay Washington ku eedayso inay yihiin wax ay ugu yeraan argagixisada.

Trump ayaa yiri, “Maanta waxaan saxiixi doonaa amar aanku farayo waaxyaha difaaca iyo amniga gudaha inay diyaariyaan xarun lagu qaabilo 30 Kun oo soo galooti ah, kuwaas oo lagu haynayo qaybo kamida xabsiga Guantanamo Bay,” isagoo intaas raaciyay inay jiraan dad dambiyo waawayn galay oo lasoo qaban doono.

Xabsiga Guantanamo Bay ayaa la furay sanadkii 2002-dii, kaas oo laga furay gudaha saldhiga ciidamada Mareykanka ee Kuuba, wuxuuna qeyb ka ahaa dagaalka ka dhanka ah waxa ay ugu yeeraan argagixisada ee uu ku dhawaaqay madaxweynihii hore ee George W.Bush kadib weeraradii September 11, 2001-dii.

Boqolaal maxaabiis ah oo qaarkood ay ka tirsan yihiin ururka Al-Qaacida ayaa ku xiran saldhigaas, waxaana arrintan ay dood kulul ka dhalisay gudaha dalka Mareykanka, iyadoo loo aaneynayo xaaladaha xabsiyada oo aad u adag iyo in gudaha xabsigaas dadka lagu jirdilo.

Madaxweynayaashii hore ee Dimuqraadiga Joe Biden iyo Barack Obama ayaa labaduba waxay muujiyeen rabitaan ah inay xiraan xabsiga, laakiin way ku guuldaraysteen inay xiraan. Bishii Sebtembar ee la soo dhaafay, wargayska  The New York Times ayaa helay dukumentiyo dowladeed oo muujinaya in Mareykanku uu saldhigga Guantanamo u adeegsan jiray tobanaan sano si uu ugu xiro dadka soo galootiga ah, iyaga oo lagu hayo meello kala duwan oo xabsiga kamida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here