12 ruux oo tahriibayaal ah ayaa geeriyooday, kadib markii doontii ay la socdeen ku degtay xeebaha dalka Liibiya iyagoo doonayay in ay u gudbaan dalalka Yurub, sida laga soo xigtay Mu’asasada Al-Aberin ee sheegata in ay Caawiso dadka tahriibayaalka ah, taas oo fadhigeedu yahay dalka Liibiya.
Doonta ayaana ku dagtay meel 60 kiiloomitir dhanka bari ka xigta magaalada Tobruk ee dalka Liibiya, waxaana saarnaa 13 tahriibayaal ah, oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Masar, dhammaan dadkii saarnaa doonta waa ay dhinteen marka laga reebo hal qof oo kasoo badbaaday.
Waddamada ku yaalla Waqooyiga Afrika oo ay ku jiraan Liibiya iyo Tunisia ayaa wajahayo dhibaato dhanka tahriibka ah oo kasii dareysa, waxayna noqdeen barta ugu weyn ee ay ka bilowdaan tahriibayaasha Afrikaanka ah, kuwaas oo doonaya in ay u gudbaan Yurub si ay uhelaan dhoolal dhaanta midda ay ku jiraan, Balse qaarbadan oo kamid ah dadkaas ayaa nafta kuwaayay badaha iyagoonan gaarin hadafkii ay naawilayeen.