Dowaladda Al-Jeeriya oo Dalkeeda ka Cayrisay Dublamaasiyiin u dhashay dalka Faransiiska.

3
0

Wararka inag soo gaaraya dalka Aljeeriya ayaa kuwaramaya, in dalkaasi shalay laga eryay dublamaasiyiin Faransiis ah oo ka shaqaynayay safaaradda ay ku leeyihiin dalkaas, kadib khilaaf xooggan oo soo kala dhexgalay Aljeeriya iyo Baariis.

Dublamaasiyiintaan oo tiradoodu gaarayso illaa 12 dublamaasi ayaa lagu amray inay 48 saacadood gudahood uga baxaan dalkaas, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska.

Isagoo intaasi ku daray, in ceyrinta diblumaasiyiintaan ay timid, kadib markii Baariis ay xirtay laba dublamaasi oo u dhashay dalka Al-jeeriya.

Wasiirkan oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, “Waxaan ka codsanayaa mas’uuliyiinta Al-jeeriya inay ka laabtaan tallaabooyinkan, kuwaas oo aan wax xiriir ah la lahayn dublamaasiyiinta ku xiran Baariis”. Waa sida uu hadalka u dhigaye.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa cirka isku sii shareeraysa xiisadda u dhaxeeya dowlahaa Faransiiska iyo Al-Jeeriya, iyadoo xiriirka jilacsan ee labadaasi dal u qarka usaaran yahay inuu burburo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here