Dowlada Eritareeya ayaa dalkeeda galisay xaalad deg deg ah ayadoo heegan galisay qaybaha kala duwan ee ciidamada dalkaas.
Xukumada Asmara ayaa ku amartay maamulada ka jira gobolada Eritareeya in dib u howlgaliyaan ciidamada sidoo kalana shaqada lagu soo celiyo kuwa shaqada ka maqan.
Dhanka kale xukumasa Asmara ayaa soo rogtay amar lagu tababaraayo dadka ay da’doodu u dhexeeyso 18 ilaa 60 sano.
Sidoo kale xukumada Afawarqi ayaa amartay in muwaadinka da’diisubay ka yar tahay 50sano uu ka bixi karin dalka.
Arintaan ayaa lagu macneeyay inay tahay diyaar garoow dagaal, xilli xukumada xabashida Itoobiya ay sheegtay in maamulka Asmara ay isku diyaarinayaan dagaal ka dhaca gobolka oo dhex mara Addis Ababa iyo Asmara.