Dowlada Hindiya Oo Soo Saartay Sharci Halis Ku ah Muslimiinta Dalkaas.

24
0

Dowlada Hindiya oo ay majaraha u haayaan kooxo xagjir Hunduus ah ayaa dalkaas kawada tacadiyo ka dhan ah muslimiinta dalkaas ku nool.

Barlamaanka Hindiya ayaa meel mariyay sharci halis ku ah muslimiinta dalkaas oo awood h siinaaya dowlada Hindiya faro galinta iyo gacan ku qabashada dhamaan dhaqdhaqaqyada Hay’ada Awqaafta islaamiga ee leeyihiin muslimiinta dalkaas.

Waxgarad muslimiinta Hindiya iyo mudanayaal mucaarad ah ayaa sharcigaan cusub ku tilmaamay in uu yahay “weerar toos ah oo ka dhan ah Muslimiinta iyo xuquuqdooda,” waxayna racfaan u gudbiyeen Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka Hindiya.

Sharcigaan gardarada ah waxa uu dawladda Hindiya awood u siinayaa in ay baarto oo ay farogeliso hantida iyo dhulalka ee leedahay hay’ada Awqaafta muslimiinta dalkaas iy dabagalka shaqooyinka la xiriira arrimaha diinta, waxbarashada iyo samafalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here