Dowlada Iran ayaa xirtay in ka badan 20 qof oo ay ku jiraan saraakiil sar sare oo katirsan sirdoon dalkaas.
Dadka la xiray waxay ka koobnaayeen saraakiil ciidan, kuwo sirdoon iyo shaqaale ka shaqeenayay guriga martida oo si gaar ah ay u maamulaan militariga dalka Iran.
Sida falaanqeeyasha arimaha siyaasadda ay sheegayaan howlgalkaan lagu xirxiray saraakiisha ayaa jawaab u ah fashilka dhanka ammaanka ah oo suurageliyay in la dilo hogaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniya.
“Aragtida ah in Iran aysan ilaalin karin dhulkeeda ama xulafadeeda muhiimka ah waxay u noqon kartaa mid halis ku ah nidaamka Iran,” ayuu yiri Ali Fayez oo wareysi siiyay wargeyska New York Times.
Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran, ayaa weli wax tafaasiil ah ka soo saarin howlgallada lagu xirxiray qaar ka mid ah saraakiisha katirsan sirdoonka Iran iyo baaritaanka natiijada ugu dambeynta ah ee wada sababay weerarka lagu dilayIsmaaciilHaniya, balse dowlada Iran waxa ay wacad ku martay in ay ka aargoosan doonaan gumeystahaYahuuda, sida laga soo xigtay hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Khameyni; oo amar ku bixiyay in la duqeeyo Israa’iil.
Dowlada shiicada ah ee Iran ayaa wajahaysa fashil amni, waxay ku fashilantay ka hortagida weerara au fuliyaan sirdoonka Yahuuda ee Mossad.
Sirdoonka Yahuuda ayaa gudaha dalka Iran ku dhex dilay tobnaan culumo iyo sarakiil ah oo katirsan dowlada Iran.