Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda xabashida Itoobiya, Nebiyu Tedla, ayaa qaab jeesjees ah ugu jawaabay hadal hanjabaad ah oo ka soo yeeray Wasiirka Arrimaha Dibadda DF, Axmed Macalin Fiqi.
Wasiirka arrimaha dibadda DF Axmed Macalin Fiqi, ayaa ku hanjabay in dowlada Soomaaliya ay xiriir la samayn doonaan kooxaha ka soo horjeeda dowlada Itoobiya, sida jabhadaha Tplf iyo Faano, haddii aanay ka bixin dowlada Xabashida heshiiskii ay la gashay maamul goboleedka Soomaaliland.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo qoraal uu soo dhigay bartiisa X ayaa ku eedeeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya in uu ka mid yahay xubnaha dowladda Xasan Sheekh ee xiriirka la leh xarkada Al-Shabaab.
“Waa wax lagu qoslo in la arko wakiillo ka socda xarakada Al-Shabaab oo iska dhigaya mas’uuliyiin dowladeed, kuwaas oo aan si hufan uga shaqeyn karin meel ka baxsan Gobolka Banaadir,” ayuu yiri Nabiyu Tedla, isagoo intaas ku daray “Waxay ku dhawaaqayaan waddaniyad maran oo qabyo ah.” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda dowlada xabashida Itoobiya Nebiyo Tedla.
Khilaafka ka dhex taagan dowlada xabashida Itoobiya iyo dowlada Xasan Sheekh ayaa sii galaaya marxalado cusub.
Dowlada xabashida ayaa u muuqata in ay si fiican u taqaano tabar darada iyo siyaasad xumada dowlada Soomaaliya, arintaas oo lagu sababayn karo in dowlada Soomaaliya ee maanta jirta ay dhiseen xabashida sanadkii 2006-dii.
Itoobiya ayaa u aragta hogaamiyayasha dowlada Soomaaliya kuwo aan leheen wadaniyad iyo dal jecel, sababtoo ah tan iyo 2006-dii waxay saarnaayeen taangiyada xabashida ayagoo ugu yeeri jiray xabashida walaalaha Itoobiya iyo ciidamada Itoobiya ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.