Dowlada Turkiga ayaa qaadanaysa 90% shidaalka iyo Gaaska Soomaaliya sida ku cad heshiiskii dhax maray Xukuumadaha Ankara iyo Xasan Sheekh.
Heshiiskan oo aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku tilmaameen mid xaaraan ah, Xasan Sheekh qodobadiisa wuu ka qariyay shacabka soomaaliyeed iyo xataa baarlamaanka DF balse dowladda Turkiga ayaa nuqullada heshiiska uqeybisay baarlamaanka wadankeeda.
Khuburada Soomaalida ee falaanqeeya dhaqaalaha ayaa sheegaya in xataa 5%-ka soomaaliya helayso uu Xasan Sheekh jeebka ku shuban doono una qeybinaya saaxiibadiis iyo xigtadiisa.
Arinta xasaasiga ah ee heshiiska ku cad ayaa ah in 5% ay ku baxayso arrimaha ladagaallanka waxa loogu yeero Argagaxisada,Burcad badeedda iyo arrimo labada dhinac maslaxo u ah islamarkaana khilaafka iyo isqabqabsiga ka dhasha heshiiska dacwad loo aadayo maxkamad caalami ah oo kutaal magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.