Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ingriiska ayaa subaxnimadii hore ee saaka duqeymo dhanka cirka ah ka fuliyay dalka Yeman.
Duqeymaha ayaa lala beegsaday xarumaha lagu keydiyo hubka oo ay leeyihiin kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen.
Wararka ka imaanaya Yeman ayaa sidoo kale sheegaya in tiro 9 mar ah ay diyaaradaha Mareykanka iyo Ingriiska ay beegsadeen 5 goobood oo ku kala yaala caasimadda Yemen ee Sanca iyo magaalada Sacda ee dhacda waqooyiga Yeman.
Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa yiri “ciidamada taliska dhexe ee Mareykanka ayaa dhowr weerar oo dhanka cirka ah ku qaaday shan goobood oo lagu keydiyo hubka oo ay leeyihiin Xuutiyiinta ay taageerto Iran oo ku yaalla magaalooyinka ay Xuutiyiinta Yemen ka maamulaan.”
Dhanka kale, Saraakiil Ameerikaan ah ayaa sheegay in Mareykanka uu markii ugu horeysay adeegsaday Bambooyinka B-2 Spirit si uu u duqeeyo xarumaha dhulka hoostiisa ah ee hubka ay ku keediyaan kooxda Xuutiyiinta.
Bambooyinka B-2 Spirit ayaa ah bambooyin loogu talo galay burburinta saldhigyada dhulka hoostiisa ku yaala waxaana la sheegaya in Mareykanka uu markii ugu horeeysay adeegsaday bambooyinkaan.
Saacadihii la soo dhaafay waxaa dalalka Suuriya iyo Yeman ka kala dhacay duqeymo lagu beegsanaayo kaydadka hubka ee kooxaha Xisbullah iyo Xuutiyiinta oo ah kooxo ay taageerto dowlada shiicada ah ee Iiraan.
Duqeymaha ayaa lagu macneeyay in ay yihiin kuwo gogol xaar u ah duqeymaha la filaayo in gumeystaha Yahuuda uu ku qaado dalka Iiraan, sababtoo ah kadib duqeynta gumeystaha uu duqeeyo Iiraan waxaa la filan karaa in jabhadaha shiicadaha ee ka kala dhisan Yeman, Lubnaan iyo Suuriya ay dhankooda duqeymo culus ku weeraraan gumeystaha Yahuuda.
Sida aan warar lagu kalsoon yahay aan ku helayno duqeymaha ee dalka Yeman ka fuliyeen dowladaha Mareykanka iyo Ingriiska wax burburin ah uma gaysan xarumihii ay beegsadeen oo ahaa xarumo dhulka hoostiisa ku yaala.