Jabhada M23 ayaa ku dhawaaqday subaxnimadii hore ee maanta in ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Goma oo ah magaalada ugu weyn bariga dalkaasi, isla markaana qani ku ah macdanta.
Maalmihii ugu dambeeyay waxaa magaalada ka socday dagaalo udhexeeya ciidamada dowlada Congo iyo jabhada M23.
Dagaalkaas ayaa sababay in kumanaan qof ay ka qaxaan guryahooda kuwaas la kulmaaya xaalad bini’aadtinimo.
Dhanka kale dowlada Rwanda iyo dowlada Kongo oo hawada isku marinaaya eedeymo la xariira cida dagaalka hurisay.
Jabhada M23 ayaa guulo waa weyn ka sheegatay dagaalka ayagoo si buuxda u sheegay inay la wareegeen magaalada istiraatijiga ah ee Goma.
“Waxaan la wareegnay gacan ku haynta Goma, waxaana ku amarnay askarta (ciidamada dowladda) inay isa soo dhiibaan ugu dambeyn 01:00 GMT,” Cornel Nanga, oo ah hoggaamiye katirsan dhaqdhaqaaqa fallaagada (Dhaqdhaqaaqa M23), ayaa warbixintaas siiyay warbaahinta.
Dhaqdhaqaaqa falaagada M23 oo ay Rwanda taageerto ayaa bishan horumar degdeg ah ka sameeyay aagga xuduudka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo.
Shalay dowladaha Mareykanka, Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa cambaareeyay waxa ay ku tilmaameen taageerada Rwanda ay siinayso xoogaga fallaagada.
Rwanda ayaa muddo dheer diidaneyd inay taageerto Dhaqdhaqaaqa M23.
Dhanka kale safiirka Rwanda u fadhiya Qaramada Midoobay, Ernest Rwamukyo, ayaa sheegay in dalkiisa uu ka xun yahay xaaladda ka sii dareysa ee bariga Congo, balse arintaas ay mas’uuliyadeeda qaadayso dowlada Kongo.
“Dhibaatada hadda jirta waa laga fogaan karay haddii dowladda Kongo ay muujin lahayd dadaal dhab ah oo ku aaddan nabadda,” ayuu raaciyay Ernest Rwamukyo.