Hay’adda tamarta Nukliyeerka ee caalamiga ah ayaa sheegtay, in Iran ay ku dhowdahay inay yeelato 10 bam oo Nukliyeer ah, taas oo ku salaysan tayeynta Yuraaniyowmkeeda ee deg-dega ah ee ay samaysay saddexdii bilood ee la soo dhaafay.
Warbixin ay soo saartay hay’addan ayay ku sheegtay, in kaydadka Yuraaniyowmka Iran ee aadka loo tayeeyey la dardar gelin karo si ay u noqdaan xudunta illaa 10 bam oo Nukliyeer ah haddii Tehraan ay sidaas doorato.
Waxayna warbixintu sharaxday, in kaydka tayaynta Yuraaniyowmka Iran uu kordhay boqolkiiba 50 saddexdii bilood ee la soo dhaafay, halka heerka wax-soo-saarkiisa la dardargeliyay boqolkiiba 60, kaas oo ku dhow heerarka in uu galo khidmada militariga.
Gumaystaha Yahuudda ayaa arintaani ka qaylo dhaamiyay, xafiiska ra’iisul wasaaraha Yahuudda Beyamiin Netanyaahu ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Beesha caalamku waa inay hadda tallaabo ka qaadaan sidii ay u joojin lahaayeen Nukliyeerka Iran.”
Arrintaan ayaa imaanayso iyadoo Iran iyo Mareykanka dhexmareen wada-xaajoodya dhowr wareeg, kuwaas oo marwalba aysan kasoo baxaynin natiijo wax ku ool ah oo lala wadaaga warbaahinta.