Dowladda Mareyknak oo Hanjabaad Culus u Dirtay Dowladda Iran, Taageerada ay Siiso kooxda Xuutiyiinta ee Yemen Awgeed.

19
0

Wasiirka Difaaca ee Mareykanka ninka lagu magacaabo Pete Hegseth ayaa digniin toos ah u diray dowladda Iran, taasoo ah inuu talaabo ka qaadi doona haddi ay joojin wayso taageerada iyo taakulaynta ay siiso kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta Yaman.

Wasiirkan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa “X” subaxnimadii hore ee maanta kuna socday dowladda Iran ku yiri : Waxaan la soconaa taageerada dilaaga ah ee aad siisaan Xuutiyiinta, waxaan si sax ah u ognahay waxaad samaynaysaan.”

Waxa uu intaas ku daray ninkaan isaga oo goodinaya: “Si fiican baad u garanaysaan waxa uu awood u leeyahay ciidanka Maraykanka, waana la idin digay, waxa aad wajihi doontaan jawaab adag wakhtiga iyo goobtana ianaga ayaa dooran doona”.

Hanjabaadda wasiirka Mareykanka ayaa lagu macnayn karaa guuldarrada ay Washington kala kulantay inay hakiso weerarrada ay Xuutiyiinta ku beegsanayaan maraakiibta reer galbeeka iyo kuwa Yahuudda ee badda cas, taas oo keentay inay u hanjabto Tehraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here