Dowladda Masar oo ku Dhawaaqday inay Ciidamo u Dirayso Soomaaliya.

10
0

Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar ayaa shalay ku dhawaaqay, in Masar ay ciidamo ku biirin doonta howlgalka cusub ee Midowga Afrika, oo loo yaqaanno AUSSOM, kaas oo beddeli doona howlgalkii hore ee ay guul-darrada dhabarka usaariyeen Xarakada Al-Shabaab.

“Masar waxay go’aansatay inay ka qayb-gasho howlgalka Midowga Afrika ee loo dirayo Soomaaliya codsi kaga yimid dowladda Soomaaliya, iyadoo sidoo kale lagu saleeyay soo dhaweynta golaha ammaanka iyo nabadda ee Midowga Afrika,” ayuu yiri wasiirka arimaha dibadda ee Masar mar uu shir ku dhexmaray magaalada Qaahira isaga iyo  wasiirka dibadda ee dawladda Fadaraalka Axmed Macalin Faqi.

Arintaan ayaa kusoo beegmayso iyadoo dawladda Fadaraalka iyo Itoobiya uu dalka Turkiga ku dhexmaray waxa lagu tilmaamay hashiis taariikhi ah, kaddib markii dawladda Fadaraalka ay Itoobiya  usamaysay sidii ay rabtay oo ah inay cagaha soo dhagato badaha Soomaaliya oo uu khayraadka ceegaago.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here