Ciidamada ammaanka ee dowladda Niijar ayaa weeraray xafiisyada saddax shirkadood oo ajanibi ah oo ku yaalla caasimadda dalkaas ee Niyaami, iyaga oo xiray xafiisyadoodii, lana wareegay agabkii ay ku shaqaynayeen.
Shirkadaha albaada la isugu dhuftay waxaa ugu caansan shirkad lagu magacaabo “uuraanuu” oo uu leeyahay Faransiiska, taas oo in mudda ah ka macaashaysay macdanta Yuraaniyaamta ah ee dalkaas.
Xiriirka u dhexeeya shirkadahan iyo xukuumadda militariga ah ee Niijar ayaa aad u xumaaday dhawrkii bilood ee la soo dhaafay, taas oo ay ugu wacan tahay dowladda Niijar oo doonaysa, in ay dib u soo ceshato gacan ku haynta kheyraadka dabiiciga ah oo ay ugu horayso Yuraaniyaamta, taas oo ay muddo dheer soo saari jireen shirkado shisheeye, kuwaas oo dadka deegaanka aan u xaqiijinin faa’iido la taaban karo. Sida ay sheegtay xukuumadda dalkaas.
Talaabadaan ay qaaday dowladda Niijar ayaa laga yaabaa inay tusaale u noqoto dalalka kale oo doonaya inay xoojiyaan madax-bannaanidooda dhaqaale iyo inay dib u helaan gacan ku haynta kheyraadkooda dabiiciga ah ee ay boobayaan shirkadaha reer Galbeedka.