Ciidamada dowladda Yaman ayaa ku dhawaaqay, inay gacanta ku dhigeen shixnad rasaas ah oo ku socotay deegaannada ay Xuuthiyiinta ka maamulaan dalkaas, taas oo ay sheegeen, inay kusoo qabteen baaritaanno ay ka sameeyeen degmooyinka Al-Mudaaribah iyo Ra’sa Caarah ee gobolka Laxajja, ee dacalka ku haayo marinka istiraatiijiga ah ee Baabul-Mandab.
Laamaha ammaanka ee dalkaas ayaana ku waramay, in mid ka mid ah Koontaroolada oo ay baaritaano ka wadadeen ay ku qabteen gaari siday rasaas kala duwan, kadib markii ay muddo kooban is rasaasayn dhex martay iyaga iyo kooxihii wax tahriibinayay oo damcay inay ka gudbaan koontaroolka oo ay la baxsadaan shixnadahaas.
Xarunta warbaahinta ee ciidamada Yaman ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku xaqiijiyay, in gaariga uu siday rasaas kala duwan, iyaga oo anan sheegin cadadka iyo noocyada rasaaastaas.
Degmooyinka Al-Mudaaribah iyo Ra’sa Caarah ayaa ku dhow marinka Baabul-Mandab, oo ah marin badeed istaraatiijiga ah, kaasoo ka dhigaysa inay si joogto ah u bartilmaameedsadaan kooxa isku-dayaya inay hubka u gudbiyaan dhinaca Xuutiyiinta oo gaal ba’an uu kala dhaxeeyo dowladda Yaman ee fadhigeedu yahay magaalada Cadan.