Dowladda Uganda oo Jartay Iskaashigii Milatari ee kala Dhexeeyay Jarmalka.

9
0

Ciidamada Uganda ayaa ku dhawaaqay, inay jareen gabi ahaan wada shaqeyntii militari ee kala dhaxeysay Jarmalka, iyadoo tallaabadan ay timid kadib markii dowladda Uganda  ay ku eedeysay safiirka Jarmalka u fadhiya Kampala inuu ku lug leeyahay hawlo kharibaad ah oo ka socda gudaha dalkaas.

Afhayeen u hadlay ciidamada Uganda ayaa bayaan rasmi ah oo uu soo dhigay barta “X” ku sheegay, in ciidamada difaaca ee Uganda  ay si degdeg ah u hakiyeen dhammaan dhaq-dhaqaaqyadii dhanka difaaca iyo iskaashiga milateri ee kala dhexeeyay Jarmalka.

Waxa uu intaasi ku daray Afhayeen, in go’aankan uu salka ku hayo warbixinno sirdoon oo lagu kalsoonaan karo, kuwaas oo ah in safiirka Jarmalku uu ku kacay falal liddi ku ah xasilloonida Uganda , isagoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan nooca falalkaas iyo sidoo kale nooca iskaashiga milatari ee ka dhexeeyay labada dal. Iyadoo aysan jirin war rasmi ah oo weli ka soo baxay dhinaca Jarmalka ama safaaradda Jarmalka ee Uganda.

Arrintan ayaa timid iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisadda u dhaxeysa Uganda  iyo qaar ka mid ah dowladaha reer galbeedka, gaar ahaan, kadib markii ay isa soo tareen dhaleeceynta loo jeedinaya dowladda Uganda  ee la xiriirta xuquuqda Aadanaha iyo xorriyaadda siyaadda, oo ay kamid yihiin xadgudubyo ka dhan ah mucaaradka siyaasadeed iyo caburinta dibadbaxyada rayidka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here