Dr. Mark Perlmutter ayaa wareysi uu siiyay tv ga CBS kawar bixiyay xaalada argagaxa leh ee xasuuqa ka socda magaalada Gaza.
Dr. Mark oo ah dhaqtar si mutadawacnimo ah ugu shaqeynayay isbitaal ku yaal magaalada Gaza, ayaa markii uu ka soo laabtay Gaza sheegay in waxa uu ku soo arkay xasuuqa ka socdo Gaza ay tahay “wax aan laga sheekeyn karin” oo ay ka mid tahay in ciidamada gumaystaha Israa’iil ay si bareer ah u tooganayaan carruur yar yar ayago adeegsanaaya qoryaha wax lagu shiisho ee Snipers ka.
“Dhammaan masiibooyinkii aan arki jiray ilaa 40 safar oo shaqo oo aan safray mudo 30 sano ah, anigoo tagay goobo halis ah, meelo ay dhulgariirro ka dheceen, dhammaan musiibooyinkaas oo la isku daray, ma lala barbardhigi karo heerka xasuuq wadareedka aan ku soo arkay todobaadkii ugu horreeyay ee aan tagay magaalada Gaza, ” ayuu yiri Dr. Mark.
Sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza, ilaa iyo 39,090 oo muslimiin ah ayee xasuuqeen gumaystaha Yahuuda, sidoo kale 90,147 ayaa lagu dhaawacay xasuuqa joogtada ah gumaystaha Israa’iil oo tageero ka helaayo Mareykanka iyo wadama reer Yurub ka wado Gaza, xasuuqaas oo bilaabmay 7-dii Oktoobar ee sanadkii hore.