Dufcad Cusub oo Katirsan Militariga Imaarada Islaamiga ah ee Afgaanistaan oo Tababar Loo Soo Xiray.

54
0

Maanta oo Isniin ah waxaa tababar loo soo xiray dufcad ka mid ah ciidamo militariga Imaarada Islaamiga ah ee Afgaanistaan.

Ciidamada tababarka loo soo xiray ayaa gaarayay ilaa iyo 950 askari kuwaas oo ka mid noqon doono militariga Imaarada Islaamiga ah ee Afgaanistaan.

Xerada tababarka ay ku qaateen askartaan ayaa lagu magacaaba markazka Shawarib.

Tababarkaan oo ahaa mid heerkiisu aad u sareeyo ayaa socday muddo 3 billood ah.

Imaarada Islaamiga ah ee Afgaanistaan ayaa wada muddo 3sano ah dhisida iyo qalabaynta militariga Afgaanistaan.

Hoos ka daawo sawirada 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here