Gabayga: “DUGSI MA LEH QABYAALADI WAXAAY DUMISA MOOYAANE” Waxaa Tiriyay Cabdillaahi Suldaan Timacade.

25
0

Gabaygan waxaa tiriyey abwaankii waynaa ee Cabdillaahi Suldaan Timacade.

Abwaanku wuxuu gabaygan si murugo leh kaga hadlay dhibaatooyinka qabyaaladdu leedahay iyo sida ay umadda Soomaaliyeed ula hadhay una baabiisay hadii aanay ka hadhina aanay aayo lahayn Soomaaliya inay ka hadhaan daaye waa bay sii badsadeen sida bariiska, sidii abwaanku sheegay baana dhacday baaba’ iyo hoogl

Wuxuu yiri:

Dabuubtiisa gabay waan ka tagay, dihashadiisiiye

Dubaaqayga waataan ka jaray, waa fog dabadeede

Shin kastood daleed uga baxdoo, nabar isdiidsiiso

Dibnahaagu shaygay bartaan, waad ku dayataaye

Haddii gole dabbaaldeg iyo farax, loo dalbado maalin

Oo loo duddeeyoo khalqigu, daawasho u joogo

Uu mid aan daryeelini xakame, daamanka u geliyo

Uu duulin orodkuu lahaa, dalacsi siin waayo

Uu cidhibta darrandoorriyuu, duubo madaxiisa

Debcin maayo oo wuxuu ka baqan, inuu ka duulaaye

Haddaad adigu daacuun ku tahay, dooddan iyo baacin

Gacmaha waa ka daayaa ninkii, fuulmo daashadaye

Jeeroon direyska u gashoon, dibeda soo taago

Daleen aniga iigama tagee, waa dig siin jiraye

Waxaan gabayga deelka iyo laftiyo, diirka uga qaaday

Dadka waxaan ogaysiinayaa, dowgu suu yahaye

Soomaaliday dayaya wanaag, idinka doorsoonye

Docda Bari, dorooriga baddiyo, Seylac deriskeeda

Dusha koonfureed iyo ilaa, wabiga daaciisa

Degmadeena oo idil haddaan, dayey abwaankeeda

Nimaan duubiyadu naafo noqon, deelka laga waaye

Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye, waa dix-dhagaxeede

Anuunbaa damqanayee dheguhu, uma daloolaane

Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane

Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray

Wixii hore usoo daashadaay, degashanaysaaye

Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda

Ooy duul walaala ah tahaooy, duunka ka heshiiso

Dadka Kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye

Dubba madaxa wayskala dhacdaa, daa’in abidkiise

Goortay is wada dooxatay baa, daad u soo geliye

Ubadkiinii waad daadiseen, waana dubateene

Dubaaxdiisii waad wada cunteen, duhur dharaareede

Dariiq toosan Soomaaliyey, waa lagaa dedaye

Darajada Ilaahay ninkii, doonayaa hela e

Nin ka duday distoorkiyo waxyiga, diinti ka carrowye

Dugsi maleh qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane

Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo, daynin kala qaadka

Dibaddaan ka joognaa sharciga, daacadda Illaahe

Danbarkeedu waa Jahannamiyo dogobkii naareede

Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

Dir dir la isu laayiyo intaan, weerar daba joogno

Ooy dumarku weerkii sitaan, danabadii waayey

Uu sida dureemada u yaal, meydku dibaddiinna

Wallee doogsan maysaan intaad, dunida joogtaane

Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here