Diyaaradaha Yahuuda ayaa duqeymo culus ka geystay xero qaxooti oo ku taala magaalada Jabaaliya ee waqooyiga Qaza, duqaymahan waxaa ku shahiiday 22 qof oo falastiiniyiin ah. Kumanaan qof ayaa ku xayiran magaalada Jabaaliya iyadoo ciidanka Yahuudu ay soo saarayaan amarro ku aaddan in dadka deegaanka ay u guuraan dhanka koonfureed ee gobolka.
Ciidamada Sahaayinada ayaa weeraro go’adoomin ah ku qaaday deegaanka Jabaaliya todobaad ka hor, kaas oo ay ku andacoonayeen in lagu joojiyo in muqaawamada Falastiiniyiinta ee Xamaas ay dib isu soo abaabusho. Weerarada ayaa xayiray kumannaan rayid ah oo Falastiiniyiin ah, sida ay sheegtay hay’adda MSF ee kahawl gasha marinka Qaza.
Wakaalladda Wararka Falastiin ee Wafa ayaa manta sheegtay in Diyaaradaha Dagaalka ee Yahuudu ay xalay Duqayn ku burburiyeen ilaa 4 guri oo ay daganaayeen dad shacaba oo ku yaalla magaalada Jabaaliya, halkaas oo ay ku shahiideen 22 qof, halka Ugu yaraan 30 kalana ay ku dhaawacameen, waxaana weli maqan 14 qof oo la rumeysan yahay in ay kuhoos jiraan burburka dhismayaasha, sida ay sheegtay Wakaalladda.